GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA QURBAJOOGGA SOMALILAND OO HAMBALYO U DIRAY JAALLIYADAHA SOMALILAND MUNAASIBADDA CIIDAL-FIDRIDA AWGEED:

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL oo ku hadlaya magaciisa, iyo dhammaan Hawlwadeennada Hay’adda Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL waxa uu munaasibadda Ciidda Islaamka Ciid Al Fidrida hambalyo u dirayaa dhammaan bulshooyinka Qurbajoogga jaalliyadaha Somaliland ee ku baahsan wadamada caalamka.

 

War-saxaafadeedkan hambalyada ah ee ka soo baxay Xafiiska Hay’adda Qurbajoogga JSL oo uu ku saxeexanyahay Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi ayaa u dhignaa sidan:

 

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan shaqaalaha Xafiiska Hay’adda Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah waxa aan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa dhammaan bulshada Somaliland iyo umadda islaamka, goleyaasha sharafta leh iyo Ciidamada Qaranka JSL. Si gaar ah, waxa aan hambalyo gaadhsiinayaa farxadda Munaasibadda Ciidda Islaamka ee Ciidal Fidrida awgeed dhammaan muwaadiniinta Qurbajoogga Somaliland ee jaalliyadaha tirada badan ee ku baahsan daafaha caalamka, Gudiyada Jaalliyadaha, Mutadawaciinta, iyo dhammaan Wakiillada Somaliland ku metelaya dalalka caalamka, qoysaskooda, Shaqaalahooda iyo Egooyinka Diblomaasiyadeed ee ay hoggaamiyaan.”

 

Waxa aan Ilaahay innooga baryayaa inuu ciidda ciiddeeda innagu gaadhsiiyo caafimaad qab, horumar, bash iyo barwaaqo, nabadgelyo, ictiraaf buuxa iyo himilooyinka qaranka dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland oo aan wada gaadhno Insha Allaahu Tacaalaa.”

 

 

Allaa Mahad Leh

 

Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar)

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL

Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL

Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland

03/06/2019



Leave a Reply