Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland oo hambalyo u diray Xildhibaan Maajid

Anigoo ku hadlaya magacayga, kan Hay’adda Qurbajoogga JSL iyo guud ahaan Jaalliyadaha Qurbajoogga Qaranka JSL, waxa aan hambalyo gaadhsiinayaa Xildhibaan Maajid Cali Maxamuud oo ku guulaystay xubinimada Baarlamaanka Europe. Waxa uu Soo hooyay guul magac iyo sharaf u ah dalka JSL ee uu dhalasho ahaan ka Soo jeedo, iyo gaar ahaan Qurbajoogga Somaliland ee daafaha adduunka kala jooga. Waa tallaabo ku dayasho wanaagsan  Qurbajoogga Somaliland inay dhinac walba dadaalaan oo hankoodu sarreeyo. Waxa aan iyagana hambalyo iyo bogaadin u dirayaa  dhammaan dadka reer Somaliland iyo ciddii kaleba ee door ku lahayd ama ka qaybgashay doorashada Maajid. Waxan leeyahay hambalyo.
Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar) Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JS


Leave a Reply