Hay’adda Qurbajoogga Somaliland oo ugu baaqday Jaalliyadaha oogista Xuska 18 May 2019 dhammaan dalalka ay joogaan

 

Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay ugu baaqaysaa dhammaan ururada Jaalliyadaha iyo bulsha weynta Qurbajoogga Somaliland ee daafaha caalamka inay oogaan Xuska Sannad-guurada 28aad ee ka soo wareegtay markii ay bulshada Somaliland ku dhawaaqeen inay dib ula soo noqdeen madaxbanaanidooda 18-kii May 1991 taasoo halku dhegga sanadkan loo qaatay yahay “Ummaddii isku maana ayaa meel wada gaadha.”

 

“Waxa aannu si gaar ah u bogaadinaynaa dhammaan Jaalliyadaha Somaliland ee sannad walba sida wadaninimada, wadajirka iyo iskaashiga leh u xaqiijiya inay qabtaan xusas qarameedada dalkooda 18 May iyo 26 June dhammaan wadamada caalamka ee ay joogaan ee Galbeedka Yurub, Woqooyiga Maraykanka, Woqooyiga/Bariga Afrika, Koonfurta/Galbeedka Afrika, Gacanka Carbeed ama Khaliijka, Koonfurta/Bariga Eeshiya, iyo Ustaraaliya.”

 

“Waxa aannu mahad celin iyo hambalyo u diraynaa Jaalliyadaha Somaliland ee wadamada qaarkood ee iyagu soo hormariyay qabashada xuska bisha Barakaysan ee Ramadaan ee ku soo beegantay awgeed, iyo inta badan Jaalliyadaha ee haatan ku hawlan ama ku jira u diyaar garawga iyo abaabulka munaasibadaha xuska u debbaal degga maalinta qaran ee 18 May kuwaasoo ay ka mid yihiin ururada ardayda Somaliland ee waxbarasho jaamacadeed u jooga dalal kala duwan. Waxa aannu ku boorrinaynaa dhammaan ururada, gudiyada jaalliyadaha iyo Qurbajoogga Somaliland guud ahaan inay oogaan xus qarameedka May, lana debbaal degaan qarankooda isla taariikhda 18 May 2019 si waafaqsan qodobada hawl-tilmaameedka qabashada xusaska ee Wasaaradda Arrimaha Debaddu ugu talo gashay inay ku dhaqmaan Jaalliyaduhu.”

 

“Dhinaca kale, Hay’adda Qurbajoogga Somaliland sida ay hore ugu baaqday Gudiyada Jaalliyadaha, uguna qorshaysay, waxa aanu markale ku dhiirrigelinaynaa inay uga faaidaystaan fursadda munaasibadaha xuska wacyigelinta bulshada iyo inay dhaqaale ururin u sameeyaan waxqabadada baahiyaha mudnaanta leh ee qaybaha bulshada Somaliland oo qayb ka ah Mashruuca “Qurbajoog Waxqabad Qaran” kaasoo ay Hay’adda Qurbajooggu u qorshaysay Jaalliyado kala duwan inay soo taageraan baahiyo kala duwan oo la xidhiidha dhinacyada adeegyada waxbarashada, naafada iyo dadka baahiyaha gaarka ah leh, caafimaadka, caawinta danyarta iwm. Waxa tani qayb ka tahay Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2aad oo aan ku dadaalayno inaan kordhinno 10% doorka Qurbajoogga ee xagga maalgashiga, iyo xagga adeegyada bulshada iyo mashaariicda danta guud ee qaranka.”

 

“Maalmaha qaran ee 18 May iyo 26 June waa laba xus qarameed oo suntay taariikho fac weyn oo dalkeennu leeyahay kuwaasoo kala ah heliddii xorriyadda aan ka qaadannay Boqortooyadii Ingiriiska 26 June 1960-kii, iyo dib ula soo noqoshadii madaxbanaanida dalkani maanta haysto 18-kii May 1991. Xagga qurbaha, ka sokow xilka iyo waajibaadka innaga saaran inaan xusno maalmo dastuuri ah iyo taariikhda dalkeenna oo ubadkeenna qurbaha ku dhashay u baahan yihiin inay aqoon u yeeshaan dalkooda, sidoo kale, waa fursado qaali ah oo aan uga faaiidaysanno wacyigelinta beesha caalamka, inaan dunida u bandhigno taariikhda dhabta ah ee dalkani leeyahay, xaqiiqada jirta, iyo qadiyadda madaxbanaanida JSL. Waa fursado aan uga faaiidaysanno inaan xogta dalkeenna la wadaagno dhinacyo kale, inaan kasbanno saaxiibo cusub, iyo xidhiidho caalami ah oo codkooda iyo caqligooda innagu taageera dadaalka 28-jirsaday ee ictiraaf raadinta iyo geedi socodka horumar buuxa oo qarankeennu gaadho.”

 

“Gebogebadii, waxa aan hambalyo u dirayaa dhammaan Jaalliyadaha Somaliland ee kala jooga daafaha caalamka, waxanan ugu baaqayaa dhammaan bulsho weynta Qurbajoogga Somaliland inay xoojiyaan midnimadooda, wadajirkooda iyo waxtarkooda midaysan ee dalkooda JSL sida uu ka turjumayo halka aan sannadkan u qaadannay sannad-guuradan ee ah “Ummaddii isku maana ayaa meel wada gaadha”

 

WA BILLAAHI TAWFIIQ

 

Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar)

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland

Wasaarada Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JSL

Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland

 



Leave a Reply