Kulan isbarasho iyo is xogwaraysi ahaa oo saaka dhexmaray wasiir Ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah iyo Hay’adda Qurbajoogga Somaliland

kulankan oo madaxda Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ugu xog warrameen wasiirka oo ay ug u sharraxayeen  shaqada Hay’adda ayaa saaka ka qabsoomay Hoolka shirarka ee Hay’adda Qurbajoogga ugu Horrayntii Gudoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Mundane Cabdi Cabdilahi xirsi (Dayaxwerar) oo shirka furay ayaa wasiirka xog buuxda ka siiyey shaqada Hay’adda, marxaladahay soo martay iyo heerka ay maanta joogto sidoo kale Agaasimaha fulinta iyo Agaasimaha waaxda Qorshaynta iyo cilmi baadhista ee Hay’adda ayaa sharraxaad dheer ka bixiyey qaabka Hay’addu u shaqayso iyo waxyaabaha ay qabato. intaasi ka dib wasiir Ku xigeenka wasaaradda Mudane Cabdiqaadir Cumar Jaamac oo u riyaaqay warbixinta loo gudbiyey sidoo kalena ka helay isku xidhnaanta iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa madaxda iyo shaqaalaha Hay’adda ayaa ballanqaaday inuu markasta diyaar u yhay La shaqaynta Hay’adda sido kalena sheegay in ay muhiim tahay in adeeg hufan loo sameeyo Qurbajoogga reer Somaliland oo door muhiim ah kaga jira dib u dhiska iyo Horumarka dalka



Leave a Reply