Geir isene oo booqasho ku yimid Somaliland

Geir Isene  oo ah khabiir ku xeel dheer cilmiga Tiknoolojiga (Technology) una Dhashay wadanka Norwey  ahna Gudoomiyaha shirkada A-circle Company oo ka mid ah shirkadaha ugu ballaadhan dhanka technologyga adduunka wuxuu isniintii 15 april 2019 booqasho ku soo gaadhey soomaliland.

Booqashada uu khabiirkan sidoo kalena ah tababaraha dhanka technologyga ku yimid Somaliland ayaa waxaa qayb laxaadleh ka qaadatay Fadumo cali madar oo ka mida Qurbajoogta reer Somaliland ee haysta dhalashada wadnkaasi norwey iyo Hay’adda qurbajoogga Somaliland ,
MR Geir ISene wuxuu shalay Shir LA Qaatay Masuuliyiin Ka mid ah Xukuumadda Somaliland Shirkan oo ay Soo qabanqaabisay Hay’adda Qurbajoogga Somaliland Ayaa wuxuu ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga shirkan oo uu gadhwadeen ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibedda Mudane cabdiqadir jaamac ayaa sidoo kale waxaa goob jog ka ahaa wasiirka wasaarada waxbarashada, wasiirka isgaadhsiinta iyo teknolojiyada, wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha Bulshada Gudoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Agaasima guud ee wasaarada Maalgashiga badhasaabka gobolka maroodijeex Agaasimaha Fulnta Hay’adda qurbajoogga  iyo Agaasimo waaxeedyo ka mida wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Shirkan ayuu Mr Geir kaga warramay ujeedada safarkiisan wuxuuna sheegay inuu rabo inuu ka fuliyo Somaliland mashaariic ay ka mid tahay in uu ku tababaro da’yarta wadanka cilmigan technologyga si loo helo dhalinyaro software programmers ah mashruucan oo uu sheegay in uu muddo kooban qaadan dpoono ayay Dhamaan Madaxdii Halkaasi joogtey u riyaaqeen soona dhoweeyeen.



Leave a Reply