kulan is xog waraysi oo ay wada yeesheen hay’adda qurbajoogga Somaliland iyo wafti isku dhafan oo ka kala socdey safaaradaha Norwey iyo Sweden ay kuleeyihiin Kenya iyo Safaaradda Britain ee Ethiopia

 

Kulankan oo ka qabsoomay maanta 29 january 2019 Hoolka shirarka ee Hay’adda qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa ujeedadiisu ahayd in weftidani ogaadaan Shaqada Hay’addu u qabato Dadka reer Somaliland ee Qurbajoogta ah maadaama ay jiraan qurbajoog badan oo reer Somaliland ah oo Dalalka weftidani ka socotey ka ah Muwaadiniin (dhalasho ka haysta) ayaa waxay weftidani ku weydiisey madaxda Hay’adda su’aalo ay ka Mid yihiin  caqabadaha kala kulma dadkaasi qurbajoogta ah marka ay dalka yimaadaan iyo haddi ay jiraan wax xad gudub ah oo lagula kaco carruurta iyo dadka kale ee qurbaha ka yimidba.

Kadib warbixinta iyo wax qabadka Hay’adda oo ay halkaasi ugu soo gudbisey weftigan Agaasime waaxeedka Qorshaynta iyo Cilmibaadhista ee hay’adda Qurbajoogga Marwo Sahra Mohamed Hashi ayaa waxaa si wadajira  uga jawaabey suaalaha ay weftidu weydiisey hay’adda Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland Mudane Cabdi Cabdillaahi xirsi (Dayaxweerar) iyo Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Mudane Xasan Axmed Yuusuf .

Kulankan oo qaatay muddo saddex saacadood ah ayaa waxaa lagu lafa guray wixii caqabado ah ee la kulma qurbajoogta reer Somaliland joogitaankooda labada dhinac hadday tahay markay dibedda joogaan iyo marka ay Dalka Joogaanba sidoo kalena waxay hay’adda iyo weftidani ku abuuureen xidhiidh joogta ah oo dhexmara hay’adda iyo safaaradaha ay weftidani ka socdeen .

Ugu danbayntii Weftidan oo u bogtey Hay’adda Shaqadeeda Iyo xogta Dhamayska tiran Ee ay u gudbisey ayaa Hay’adda kula Ballantay in ay markale usoo noqdaan Hay’adduna u Ballamiso Kulamo Ay kula kulmaan muwaadiniintooda Degan Somaliland.



Leave a Reply