Kulan uu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda & Iskaashiga Caalmiga ah la qaatay madaxda iyo shaqaalaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland (Somaliland Diaspora Agency)

 

Maanta oo ah maalin Axad ah, taariikhduna ay tahay 27/01/2019, 10:00kii Subaxnimo waxa kulan la qaatay shaqaalaha iyo madaxda Hay’adda Qurbajoogga Somaliland, Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon kulankaas oo daaranaa xog waran ku saabsan shaqaalaha Hay’adda iyo guud ahaan shaqada ay qaranka u hayso Hay’adda Qurbajoogga Somaliland.

Ugu horeyntii waxa hadalka qaatay Gudoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland Mudane Cabdi Cabdullahi Xirsi (Dayaxweerar) oo wasiirka uga xog waramay Hay’adda Qurbajoogga Somaliland, Shaqaaleheeda, Horumarkii ay gaadhay, Waxa u qorshaysan iyo guud ahaan intii ay jirtay wixii u qabsoomay, wixii aan u qabsoomin iyo caqabadaha hortaagan.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Qurbajoogga Somaliland Mudane Xasan Axmed Yuusuf oo Wasiirka uga waramay ilaa haatan wax ka qabsoomay qorshayaashii u yaalay Hay’adda Qurbajooga Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ugu weynaa Qorshaha Horumarinta Qaranka ee labaad (NDP II) 2017-2021.

Waxa gabogebadii kulankaas ka hadlay isla markaasna soo gunaanaday Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo aad u bogaadiyey hawsha ay qaranka u hayso iyo muhiimadda ay qaranka uleedahay Hay’adda Qurbajoogga Somaliland isla markaana waxa uu wasiirku sheegay in uu hiil iyo hooba la garab taagan tahay Hay’adda, Shaqaaleheeda iyo Madaxdeedaba.



Leave a Reply