Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajooga Soamaliland oo hamblayo udiray qurbajoog reer somaliland ah oo ka Qayb Galay Bandhiga Dhaqamada Aduunka.

Tiro aad u badan oo ka mid ah Qurbajoogga reer Somaliland  oo ku lebisan astaanta qaranka Somaliland oo ay ka muuqato qiiro wadaninimo  ayaa  ka Qaybgalay bandhiga dhaqamada adduunka oo lagu qabtay wadanka Germany,

Muwaadiniintan iaga oo metelaya dalkooda hooyo iibinayana nabadda horumarka iyo ilbaxnimada taalla wadankooda hooyo ee somalailand ayaa bandhigan uga dhex muuqdey sida qorraxda iyagoo ku taamaya inay leeyihiiin waddan xor ah oo horumar ballaadhan sameeyey ‘waxaanu umadda caalamka ka iibinaynaa xornimada, horumarka iyo nabadda taalla wadankayaga hooyo ee Somaliland ” mid ka mida ka qaybgalayaashii bandhigan oo saxaafadda la hadlayey.

Dhinaca kale Hay’adda Qurbajoogga Somaliland oo had iyo goor u taagan sidii ay u dhiiri gelin lahayd una garab istaagi lahayd qurbajoogga reer Somaliland e raba inay dalka u halgamaan wax u qabtaan ama maalgashadaanba ayaa hambalayaysay qurbajoogta ka qaybgashay bandhiggan isla markaana uGu baaqday qofkasta oo reer Somaliland ah inuu halkuu joogo ku metelo Dalkiisa hooyo kana iibiyo umadda uu la joogo qaddiyada madaxbanaanida Somaliland “Qofkasta oo qurbajoog ahow waxaad ogaataa inaad tahay safiir (ambassador ) u fadhiya  dalkiisa halkaa uu joogo waa inaad ka shaqaysaan ictiraaf raadinta Wadankeena Waa inaad ku suntanaataa Wanaag maadaama aad wdankaaga metelayso si wadankeena nabada xornimada iyo horumarka yaalaa wadamo badan iyo qaaradaha kala duwan e adduunka u gaadho” gudoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi(Dayaxweerar).

 

 

 

 



Leave a Reply