Qurbajoogta Reer Somaliland Iyo siday ugu heelanyihiin in ay dalkooda wax Ugu qabtaan

Siciid Dhamac Iyo maxamuud Jaamac (Jabadhi) oo ah khabiiro Ku xeel dheer cilmiyada  shidaalka iyo macdanta kana mid ah Muwaadiniinta qurbajoogta reer Somaliland ee usoo tafa xaytey In ay wixii khibrad, cilmi  iyo maal ay Dibedda kasoo korodhsadeen ay kusoo celiyaan wadankooda hooyo, waxay in muddo ah ka wadeen wasaaradda macdanta iyo tamarta tababarro kala duwan oo ay ku kobcinayaan aqoonta shaqaalaha wasaaraddaasi, tababarkan oo socdey muddo ku dhow laba sanno ayaa waxaa Iyana kusoo biiray oo hadda qayb ka ah ardayda jaamacadaha  kala duwan ee dalka sida jamacadaha Hargeysa iyo Golis,

“waxaanu ka faaidna wax badan oo noogu filan aqoon lagana yaabo in aanaan jamacadihii aanu soo dhiganay aanan ka faaidin waanu Mahadinaynaa” mid kamida shaqaalaha wasaarada e tababarkani uscdo, sidoo kale mar aan wax ka weydiiyey Maxamuud Jamac (Jabadhi) oo ah mid kamid ah Khabiirada bixinayey Tababarkan bal in ay wax faaido ah ka helaan iyo sidoo kale in ay intan uun ku koobanyihiin ama ay wax caqabado ahi jiraan ayaa waxaa Hadaladiisii ka mid ahaa “waxaanu tagnaa jaamacadaha iyo sidoo kale xafiisyada dawladda waxaanuna baranay maaha macdanta iyo shidaalka oo keliya ee cilmiyo badan oo aan tababar ku bixino ayaa jira sida qandaraasyada oo kale  waanuna ku tabarucnaa ee maaha waxaaanu cid faaido kaga doonayno waxay naga tahay dalkiiina wax ku celiya oo bal wixii aad soo barateen khibrad iyo cilmiba uga faaideeya dhalinta waddanka…”, khabiirkani isagoo Hadalkiisii sii wata ayuu yidhi “caqabada keliya ee jirtaa waxay tahay dadkii inta diyaarka ah ee waxan usoo jeeda ayaa yar ….”.

Sidaas daraadeed Hay’adda qurbajoogta Somaliland oo Ku hawlan sidii ay Qurbajoogta reer Somaliland
Dalkooda iyo Dadkooda ugu faaidayn lahaayeen waxay ugu Baaqaysaa dhalinta reer Somaliland in ay Ka faaidaystaan Tababarada noocani oo kale ah oo aanay dhayalsan dhinaca kale waxay Hay’addu ku boorrinaysaa qurbajoogta kale ee reer Somaliland in ay ku daydaan Khabiirradan iyo Inta yar ee dalkooda wax ku soo celiya oo ay Dalkooda kula soo noqdaan wixii cilmi, khibrad , iyo maaalgashi ay awood uleeyihiinba.

 



Leave a Reply