Agaasimaha Fulinta Hay’adda Qurbajoogga Somaliland Mudane Xasan Axmed Yuusuf iyo SafiirKa Somaliland U Fadhiya Dalka South Afrika Mr Axmed Jaamac oo manta booqasho uGu tegey xarun wax lagu baro dadka indhoolayaasha ah .

Uruka indhoolayaasha Saabiriin iyo macalimiinta wax barta dadka indhaha la ayaa halkaasi uGu soo gudbiyey weftidan soo booqatay wixii ay qabteen qaabka ay wax u wadaan iyo waxa ka dhiman ee ay rabaan in bulshada reer Somaliland ka caawiso gudo iuo dibedba , baahiyahoodana waxa uGu waaweynaa madbacad wax loogu daabaco, gaadiid qaada dadka indhaha la combuter maadaama qaarkood ay isticmaalikarayaan oo ay barteen kuw akalena barikaraan iyo kirada guriga sidoo kale ulaha dadka indhaha la ay socodka u isticmaalaan iyo shebeg ay qoraalka u isticmaalaan uGu danbayntii agaasimaha iyo Safiirku waxay usoo ballanqaadeen in ay tabashadooda bulshada gaadhsiin doonaan intii karaankooda ahna is garab taagaan .



Leave a Reply