Barnaamijka Madasha Qurbajoogga

Hay’adda Qurbajogga Somaliland oo markasta heegan ugu jirta soo dhoweynta, dhiirigelinta iyo u adeegidda qurbajogga reer Somaliland ee jecel dalkooda inay maalgashadaan ku soo laabtaan ama wax u qabtaan waxna ka qabsadaan, waxa ay samaysay Barnaamij lagu magacaabay barnaamijka  madasha qurbajogga Somaliland kaas oo ka midah barnaamijyada hay’addu u qabato bulshada qurbajoogta ah si ay uGu soo dhiiradaan ku soo laabashada dalkooda iyo in ay ka sameeyaan maalgashiyo wax ku ool ah,

hay’addu si ay arrinkaa uGu bandhigto bulshada qurbaha joogta ee reer Somaliland waxa dalka gudihiisa ka socda waxa ay samaysay barnaamijkan iyada oo lagu waraysto dadka qurbajoogta ah ee dalka maalgashaday looguna bandhigo walaalaha kale ee dalka ka maqan ama doonaya in ay maalgashadaan dalka lkn hagranaya si ay u arkaan xaqiiqda dalka taal, sidoo kalena hay’addu u ogaato caqabadaha haleela qurbajoogga maalgashadayaasha ah si loo xaliyo wixii dhibaato ah ee ay kala kulmaan dhankasta oo ay tahayba.

Magaca Ganacsadaha: Caasha Ibraahim muxamed

Magaca Ganacsiga: Sugan Style

Nooca Ganacsiga: wershadda dharka iyo kabaha

Madasha Ganacsiga: Hargaysa

 

Daawasho Wacan



Leave a Reply