KHATARTA DIIRIMAADKA ADUUNKA (Global warming) (P#54) W/Q: Abdinasir Hassan Muhumed Nation003@gmail.com

Idaacadda BBC laanteeda afka Somaliaga ah (9:00pm, Isniintii, 08/10/2018), waxay sheegtay in ay cimilida aduunku sii kululaanayso iyada oo soo xiganaysa cilmi-baadhis ay sameeyeen culimadda deegaanku, taas oo la sheegay in ay khatar ku keeni karto nolosha aduunkan ka jirta isla markaana uu kordhay 1.1C0. Sidaa daraadeed maqaalkan maanta  waxaan ugu talo galay bal inaan wax ka ogaano cimilada aduunka ee sii kulullaaneysa (Global warming) ama is badalka cimilada. Waxaynu ka jawaabi doonaa dhawr su’aalood oo kala ah:  Waa maxay cimilladda sii kulullaanaysaa ee la sheegayaa iyo ahmiyada ay u leedahay aduunka? Hadii ay jirto, maxaa u sabbaba iney cimilladu isbadasho ama sii kulullaato? Sidee se wax looga qaban karaa?  

Cid walba way garan kartaa macnaha uu sameyn karo heer-kulka oo kor u kaca. Sida aan wada ognahay inteena soo dhigatay dugsiyadda ugu yaraan dugsi Hoose/dhexe, biyuhu waxay ku baylaan ama ku karkaraan 100co (boiling point), kuna fadhiistaan 0co (freezing point). Sidaa daraadeed caqliga aqoonta ku dhisani waxa uu fahmay in aduunyada oo heer-kulkeeda oo kor u kacaa ay ku tahay khatar nolosha Aadamaha, dhir iyo xayaanba. Heerkulka aduunka ee caadiga ah ee maanta isku celcelis ahaan waa 15co, ugu sareyn waa 71co, iyada oo ugu hooseyn ay tahay -89co. Hadii, hadaba heerkulka aduunku bilaabo in uu kor u koco, taa macnaheedu waxa weeyi in suurtogalnimada in aduunkan lagu noolaada ay hoos u dhacayso. Iyadoo taasi jirto ayaa waxa la xaqiiqsaday hadana in heer-kulka cimilada aduunku kor u sii kacayo.

Waxa kale oo la ogaaday in xadigii uu kordhay heerkulka aduunka 100 kii sano ee qarnigii 1800, uu in leeg kordhay 9 kii sano ee ugu dambeeyey (2008-2017), sida ay xaqiijisay hay’adda NASA.  Ugu dambeysna waxa la isku raacay in aan shiki ku jirin in heer-kulka cimilada aduunku sii kululaanayo, hadii uu sidaa ku socdana la gaadhi karo heer dunida maantu rogmato.  Taa markii ay 98% seynisyahannadu isla garteen, waxa muhiim noqotay in la isweydiiyo maxaa keena in cimiladu kululaato sii looga hortago khatarteeda?

Markasta oo isbadal dhaco waxa ay caqliga saliimka ah iyo aqoontu ina farayaan inaan baadhno sababta ay wax isla badaleen. Qarnigii 19 aad, culimada Seynisku waxay  xaqiiqsadeen in heer-kulka (temperature) aduunka ee heerkiisu kor u sii kacayo ee ka dhashay  waxa afka qalaad loogu yeedho ‘Greenhouse Effect’ ay sabab u yihiin molecules-ka neefaha dabiiciga ah ee CO2, NO2 iyo Methane. Waana labada neefood (gas) ugu saameynta badan. Hadana uu ka sameysan yahay atmosphere ka aduunkan ku gadaaman. Waana arin cajiib ah. Arinta kale ee layaabka leh ayaa Iyana ahayd, in qarnigii 17aad uu ahaa markii ugu horeysay ee ay soo ifbaxday arrintani seynisyahaniintii ka hadlayey loo arkayey niman waalwaalan ( The Carbon dioxide Greenhouse effect, Spencer, 2017).

Qarnigaa dhamaadkiisii, Saynisyahan Svante Arrhenius waxa uu intaa aan soo sheegnay ku daray in Warshadaha oo barigaa aad loogu faraxsanaa ay sababbi doonaan in heer-kulka aduunku kor u koco, laakiin isagana Seynisyahaniin kale ayaa ku diiday. Waxa kadaba qaatay saynisyahan kale oo magaciisa la yidhaa G.S. Callendar 1938 oo sheegay in hadba  xadiga CO2 ee ay warshadahu ku sii daayaan hawada ay yihiin sababta kaliya ee keenta ‘greenhouse effect’ ee keena in cimiladu sii kululaato. Iyadoo aan dadka dunidan kunooli rumeysanin warkaas ayaa1950 waxa soo baxay cilmi-baadhayaal kuwaas oo isku raacay inay run tahay in cimiladu sii kululaanayso. Taasi waxay dhiiri galisay in D.C. Keeling oo ah Saynisyahan uu soo saaro hal-beeg lagu cabiro kor u kaca heerkulka. Arinku halkaa markuu marayo waxa bilaabmay in dad badan oo aqoonyahan ahi xiiseeyaan inay wax ka ogaadaan arinkaas muddada dooda ku soo jiray.Ugu dambeystiina waxa la daah-furay xaqiiqadii oo ah in ay run tahay waxay sheegayeen Seynisyahaniintaasi aan kor ku soo xusnay (The Carbon dioxide Greenhouse effect, Spencer, 2017).   

Hadaba,  sidee ayey cimiladu u kululataa? Ma cadceeda lafteedaa ayaa sii kululaata, mise waa si kale? Cadceedu caadiyan waa mid aad u kulul oo aan kulkeedu hoosna u dhicin korna u kicin. Waa mid aad uga fog dhulka waxayna u jirtaa in lamid ah fogaanta dayaxu u jiro cadceeda oo ah 149.6 million km. Hadana dhulkeena iyo dayaxu isku heer-kul (hk) maaha. Heerkulka (hk) ugu sareeya dhulku waa 71co, dayaxana 100co; hk ugu hooseeya dhulka waa -89co, dayaxana -170co; isku celcelis dhulka waa 15co, dayaxana  -18. sababtuna waxa weeyi falaadhaha kulluleylka cadceedu ku soo sii dayso dhulku dhamaantood ma wada gaadhaan, hadiise ay wada gaadhi lahaayeen nololi kama suurto gasheen dhulkeena.

Si nololi uga suurto gasho dhulka aan ku noolnahay oo uu u helo kul ku filan waxa jira wax loo yaqaano Atmosphere oo ah dahaadh dhulka ku gadaaman oo ka celiya kaaha (radiation) iyo falaadhaha cadceeda ee dhaadheer iyo wixii qurubyo (particles) oo waxyeelo leh. Waxa kaliya oo uu dhulka ku sii daayaa falaadhaha cadceeda ee gaagaaban. Atmosphere-ka waxa ku jira billions molecules neefo ah oo ka kooban  Nitrogen (N2) 78%, Oxygen (O2) 21%, Argon (Ar) 1%; iyo  Carbon dioxide (CO2) 0.038%NO2, Water Vapor (HO2) 0 -4% iyo (Methane) CHiyo ilaa sadex kale oo aan aad muhiim u ahayn laakiin wax-tar leh sida SO2, Ozone (O3) iyo [N, NO2, N2O]. Atmosphere kaasna hadii aanuu jiri lahayn dhulka aan ku noolnahay waxa uu noqon lahaa meel aan lagu noolaan karin (, Greenhouse Gases, USGS, 2011).

Molecules kani shaqada ilaahay u diray waxa weeyi inay sameyaan wax loo yaqaano ‘Radiation Equilibrium’ taasoo macnaheedu yahay in ay is leekeysiiyaan xadiga shucaaca ama tamarta kulul ee  gaagaaban (Solar radiation-ka) ee cadceeda ka imanaya ee ay u siideynayaan dhulka, iyo xadiga shucaaca dhaadheer (Long wave radiation-ka) uu dhulku soo celinayo . Waxay u ogolaadaan xadi radiation ah oo iftiin ah oo go’an inuu dhaafo iyaga oo uu u gudbo dhulka. Kadib dhulkuna waxa uu soo celiya mawjado shucaac ah (radiation ) oo ah kuwa loo yaqaano Longlength wave radiation. Marka uu dhulku soo celiyo mawjadahaas radiation-ka ah ee dhaadheer, atmosphere ka ayey shaqadiisa tahay inuu nuugo (absorbtion) oo uu banaanka (space) u bixiyo shucaacaas uu soo celiyey dhulku (Greenhouse Gases, USGS, 2011). Laakiin 10% ayaa u baxa ama u baxsada banaanka ka sareeya atmosphere. 90% ka kalena neefaha atmosphere-ka  ayaa qabta oo nuuga. Kadib waxay tamarta (diirimaad) ka dhalata radiation-kii ay nuugeen u kala diraan banaanka (Space) ka sareeya iyaga50%, dhulkana waxay dib ugu soo celiyaan 50%ka kale si ay u ilaaliyaan dheelitirka [radiation equilibrium] (The Carbon dioxide Greenhouse effect, Spencer, 2017). Waxa iyana xusid mudan in malakuuliska curiyayaasha ugu firfircoonni ee shaqadan qabtaa ay yihiin kuwa xadiga ugu yar ku leh atmosphere ka sida (CO2) 0.038%, (HO2) 0 -4% iyo CH4  waana kuwa nuuga shucaaca (radiation-ka) dhulku soo siidaayo isla markaana dheeli tira Equalibrium radiation ka (IPCC, 2007: Climate Change 2007: The Physic).  

Hadaba hadii dhulku uu sii daayo radiation dheeraad ah oo aan ahayn kii dabiiciga ahaa ee ka imanayey cadceeda, waxa kordhaya shucaaca (radiation-ka) ka tagaya dhulka ee u gudbaya atmosphere ka. Taas oo macnaheedu yahay, in shucaacii dabiiciga ahaa ee aduunka ay ku korodhay shucaac dheeraad ah oo aan dabiici ahayn. Atmosphere-kuna sidii shaqadiisu ahayd, waa uu nuugaa markaa ayuu haafna u dirayaa hawada sare (space-ka), haafka kalena dhulka ayuu ku soo celinayaa, taasina waxay keenaysaa in marwalba dhulka ay ku soo noqdaan haaf radiationkii dabiicaga ahaa ee uu atmosphere ka u diray oo lagu daray haaf radition kii dheeraadka ahaa ee dad-sameega ahaa (manmade) ee dhulku sii daayey, waxana afka qalaad lagu soo koobaa laba eray oo ah ‘Greenhouse effect’. Taasi waxay keentaa in heerkulka (temperature) dhulku kor u koco (Global Warming 101, Amanda, March 11 2016). Su’aasha hadaba meesha taala ayaa ah waa maxay, halkuu se ka yimaada radiation-ka dad sameega ah ee dhulku ku sii daayo hawada ama atmosphere ka?’ Maxaase ka dhalan kara hadii ay sidaa ku sii socoto? Waxse ma laga qaban karaa? Su’aalahan oo aan si faahfaahasan uga jawaabney waxaan ku gorfeyn doonaa qaybta 2aad ee maqaalkeenan.

 

 

 



Leave a Reply