BANDHIGGA SHIRKA GUULAHA SOMALILAND 27 SANO KADIB

Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL waxa ay qabanaysaa shir heer caalami ah oo lagaga hadlayo guulaha ay Somaliland gaadhay muddo 27 sano ah ee ay madaxbanaanideeda dib ula soo noqotay, iyo sii wadida geedi socodka horumar iyo dadaalka ictiraaf doonka.

Shirkan oo lagu qabanayo Hudheelka Grand Haddi ee galbeedka Hargeysa maalmaha 10-ka iyo 11-ka bishan October 2018,  iyadoo Wasaaraddu tixgelinaysa horumarka ay bulshada Somaliland ka sameeyeen mudadan dhinaca waaxda gaarka ah  (Private sector) oo qayb weyn ka ah guulaha aan ku faanayno – kaalin waxku ool ah ku leh koboca dhaqaale iyo shaqo abuurka, waxa qayb ka ah shirkan in lagu soo martiqaado shirkadaha kala duwan ee waaweyn iyo qaarka ka mid ah noocyada dhexeba, ay ka midyihiin shirkadaha isgaadhsiinta, bangiyada, xawaalaha qaarkood, warshadaha waxsoosaarka kala duwan, shirkadaha ka iyana ka shaqeeya waxsoosaarka iyo khayraadka dalka, shirkadaha iwm.

Si aan u muujinno waxqabadkeenna iyo waxsoosaarkeenna, waxa ay shirkadaha lagu soo martiqaaday ku samayn doonaan bandhig la xidhiidha badeecadahooda ganacsi iyo/ama adeegyada ay qabtaan.

Marka lagu daro sharaaiiga doorka wayn ka qaatay shaqo abuurka bulshada sida kuwa isgaadhsiinta, dhismaha iwm,  waxa aannu aad u dhiirigelinaynaa ka soo qaybgalka shirkadaha ku shaqada leh waxsoosaarka xagga warshadaha,  khayraadka dabiiciga ah ee dalka, khayraadka dhulka iyo xoolaha, khayraadka macdanta, fooxa iyo bee’yada, kalluumaysiga, tamarta iwm

Sidaa darteed, waxa aannu ku martiqaadaynaa dhammaan shirkadaha Email-kani ku socdo inay ka soo qaybalaan fursadda looga fidiyay shirkan oo ay noo soo xaqiijiyaan ka soo qaybgalkooda ugu dambayn maalinta Sabtida gelinka dambe haddii Alle Idmo.

Faahfaahin dheerada, waxa aad waydiin kartaa telefoonka 063 4081527 ama 06331674

Let us celebrate our achievements 27 years later as de facto state, and draw the attention of the international community

 

Hassan Ahmed Yusuf

Executive Director, Somaliland Diaspora Agency

Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation

Hargeisa, Republic of Somaliland

+252 63 4081527 / 65 9725373

hassanafgaab@gmail.com / sldiasporaagency@gmail.com

 



Leave a Reply