Madaxweynaha JSL oo khudbad u jeediyay Jaalliyadda Somaliland ee Minnesota + Agaasimaha Guud ee W/Arrimaha Debadda JSL oo hambalyeeyay Jaallliyadda dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka aqbalay codsi uga yimi jaalliyadda Somaliland ee magaalada Minnesota dalka Maraykanka codsigaas oo ay ku dalbadeen inuu isgaadhsiinta Skype-ka ee internet-ka kagala qaybgalo xafladda xuska 18 May. Madaxweynaha ayaa khudbad taariikhi ah oo hambalyo, bogaadin, dardaarin iyo baaarujin isugu jirta halkaas uga jeediyay Jaalliyadda oo xilligaas uu Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajooggu goob joog ka ahaa xafladda. Madaxweyne Biixi ayaa hambalyo hawada u mariyay guud ahaan jaalliyadaha Qurbajoogga Somaliland ee u debbaal degaya xuska 18 May 2018 daafaha caalamka, isla markaana tilmaamay kaalinta muhiimka ah ee Qurbajooggu dalka ugu jiraan. Madaxweynaha oo khadka Skype-ka kula hadlayay jaalliyadda illaa illaa 10-daqiiqo wakhti ku dhaw ayaa ku dheeraaday qiimaha wadaniyadda, wadajirka iyo midnimada bulshada, waxanu ugu baaqay Qurbajoogga inay xoojiyaan doorka ay ku leeyihiin ictiraaf raadinta iyo horumarnta dalka qaranka JSL. Xubnaha soo qabanqaabyayaasha iyo guud ahaan jaalliyadda Somaliland ee Minnesota ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha codsiga uu ka aqbalay iyo inuu khadka internet-ka kaga soo qaybgalo xafladda.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi ayaa isaguna codsi la mid ah oo uga yimi jaalliyadda Somaliland ee dalka Talyaaniga oo xaflad aad u heer sarraysa ku qabtay magaalada xarunta ah ee Rome kagala qaybgalay Jaalliyadda Isgaadhsiinta Whatsapp-ka khadka internet-ka halkaas uu Agaasimaha Guud oo ku sugan Hargeysa uu khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay uga jeediyay Jaalliyadda. Jaalliyadda Somaliland ee Talyaaniga ayaa Madaxweynaha JSL, Wasiirka Arrimaha Debadda iyo Hay’adda Qurbajoogga JSL-ba mahad naq ballaadhan uga soo jeediyay tallaabadaas.

Source: Somaliland Diaspora Agency

Hargeisa, Republic of Somaliland



Leave a Reply